Mustafe Cagjar iyo Siyaasadda Gumaystaha: Qaybi oo Xukun.
Mid ka mid ah xeeladihii ugu qadiimsanaa ee boqortooyooyinkii hore iyo gumaystayaashii reer Yurub ku joogteeyeen awooddooda ayaa ahayd siyaasadda “Divide and Rule” Qaybi oo Xukun. Bulsho kasta oo la rabay in la xukumo waxaa lagu dhex abuurayay nacayb, shakiyo iyo is qabqabsi, si aysan weligood u helin fursad ay ku mideeyaan codkooda. Haddaba, waxaa

