50% BEEN AH: Sharci aan la ansixin iyo marin habaabinta shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka.
Muddooyinkii u dambeeyay, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar, ayaa si isdaba joog ah u sheegay in deegaanka uu xaq u leeyahay 50% dakhliga shidaalka ee laga soo saaro dhulka Soomaalida. Hadalkan, oo si weyn looga faafiyay warbaahinta deegaanka, ayaa loo soo bandhigay sidii guul siyaasadeed iyo sharci ah oo uu deegaanku gaaray. Laakiin marka la

