June 13, 2026
Africa News Somali

War-Saxaafadeed

Annagoo ah Xildhibaanada labada Aqal ee hoos ku saxiixan oo degaan doorashadoodu tahay Dowladda Jubbaland, waxaan maalmahan si hoose ula soconnay xog ku saabsan damaca gurracan ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsi yahay Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku doonayo burburinta nidaamka Federaalka ah iyo maamulka Dowladda Jubbaland.

Waxaan ognahay in faragelinta iyo duullaanka qaawan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaaday Dowladda Jubbaland laga soo bilaabo 2013-kii oo ahayd muddadii xileedkiisii 2012–2017, isagoo mar labaad sameynayo ficillo la mid ah kuwii uu horey u sameeyay muddadaas oo ay ka dhasheen dagaallo, barakac bulsho, dhimasho iyo dhaawac ka dhacay deegaanno kala duwan sida Raaskaambooni, Kismaayo, Baardheere, Doolow iyo Buulo-Xaawo.

Duullaamadii iyo faragelintii ku xusan ayaa loo adeegsaday dhaqaale badan, hub iyo ciidan qaranka ah, iyadoo argagixisada Al-Shabaab ay ka faa’iideysteen oo ay qabsadeen deegmooyin iyo degaanno badan.

Annagoo og qatarta ay amniga dalka iyo xasilloonida siyaasadeed ku tahay in awood ciidan iyo dhaqaale qaran lagu weeciyo dagaalka argagixisada, waxaan ka digeynaa cawaaqib xumada ka dhalan doonta qorshaha Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsi yahay uu wado ee ah:

  1. In la sii wado duullaan ciidan iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah Dowladda Jubbaland.
  2. In la burburiyo nidaamka Dowliga ah ee ka taliya Dowladda Jubbaland iyadoo la dhisayo dowlado is-bar-bar socda (parallel governments).
  3. In colaado beeleed iyo goboleed laga dhex abuuro beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah, nabadda jecel, kuna wada nool gobollada ay ka koobantahay Dowladda Jubbaland.
  4. In awooddii ciidanka iyo dhaqaalaha qaranka lagu weeciyo dagaalka argagixisada loona isticmaalo in lagu duulo deegaanno amni ah, lehna maamul dastuur ah lagula dagaallamo.
  5. In la sii wado siyaasadda caqliga ka fog ee ah in ciidamada Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed la isu diro, laguna taliyo inay wada dagaallamaan, halka kooxaha argagixisada ay nafisaan oo ay ka faa’iidaystaan fowdada siyaasadeed.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, saamileyda siyaasadeed, Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya, in khilaafaadka siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal, is-afgarad iyo wadatashi dhab ah.

Waxaa lagama maarmaan ah in la mideeyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, iyadoo talada dalka lagu hago WADAR-OGGOL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *