Mw Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Gaadhay Kismaayo, Iyo Mw Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Oo Soo Dhoweeyay
Kismaayo, HornCurrent – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland, kaddib muddo hal sano ah oo khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), masuuliyiin sare oo ka tirsan

