WAR DEG-DEG AH: Dagaalo Khasaare Geystay oo ka Dhacay Magaalada Baladxaawo, Jubaland.
Baladxaawo, Jubaland – Dagaallo culus oo geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay magaalada Baladxaawo ee ku taalla gobolka Gedo, Jubaland, sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Horncurrent.com. Dagaallada ayaa u dhexeeyay ciidamada dowlad-goboleedka Jubaland iyo maleeshiyaad la sheegay inay ka amar qaataan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan,