November 10, 2025
Africa News Somali

Dowladda Itoobiya oo Soo Bandhigtay Hub Dhuumaalaysi ah oo La Soo Galiyay Gudaha Dalka.

Nageyle (HornCurrent) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay hub aad u badan oo si dhuumaalaysi ah lagu soo gelinayay gudaha dalka.

Saraakiisha sirdoonka Itoobiya ayaa magaalada Nageyle ku soo bandhigay ku dhowaad 800 qori iyo in ka badan 3,000 xabbadood oo rasaas ah, kuwaas oo lagu qabtay hawlgallo kala duwan oo la fuliyay bilihii la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in hubka la qabtay uu sitay calaamado iyo astaamo u gaar ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (CXD), isla markaana laga iibinayay kooxo hubeysan oo ka dagaallama gudaha Itoobiya iyo ganacsato ku lug leh ganacsiga hubka sharci darrada ah.

Intii uu socday booqashadii dhowaan ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Addis Ababa, waxaa lagu tusay qaar ka mid ah hubkan la qabtay, kuwaas oo muujinayay caddaymo la xiriira in hubkaasi hore uga mid ahaa CXD isla markaana dhawaan laga qaaday xerada UK ee degmada Baladxaawo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan, oo ah wakiilka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, uu mas’uul ka ahaa hubkan la sheegay in uu iibsaday, arrintaasna ay dhalisay dood siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan mas’uuliyadda iyo cidda ka dambaysay.

Wararka kale waxay intaas ku darayaan in dhowr jeer Janan loo yeeray magaalada Muqdisho si wax looga weydiiyo kiiska hubka, balse uu diiday inuu ka soo baxo Baladxaawo.

Dhanka kale, ciidamada Kenya ayaa iyaguna gacanta ku dhigay hub kale oo la sheegay in laga soo geliyay dhanka Baladxaawo, hubkaas oo dhammaantood lagu arkay astaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay joojisay dhaqaalihii ay u diri jirtay Janan, taas oo markii hore bishii laba jeer loo kala diri jiray. Janan ayaa hadda wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale, isagoo ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay jebisay ballan hore iyo kalsoonidii ay isku hayeen.

Kooxda uu hoggaamiyo Janan ayaa niyad-jab xooggan kala kulantay go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doortay in uu heshiis la galo maamulka Jubaland, iyadoo la sheegay in Janan iyo taageerayaashiisu aysan ku wargelin qorshahaas.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in Cabdirashiid Janan uu hadda noqday mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muranka badan gobolka Gedo, iyadoo taariikhda gobolka ay u diiwaan gelisay inuu ka tegay raad hub iyo colaado hore, isla markaana uu lumiyay kalsoonidii siyaasadeed ee uu ku lahaa deegaanka.

HornCurrent News

Addis Ababa | October 2025

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *