Kismaayo, HornCurrent – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland, kaddib muddo hal sano ah oo khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dhinac, iyo dadweyne fara badan oo magaalada ku sugan.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa loo arkaa tallaabo dib-u-heshiisiin ah, kadib markii muddo dheer xiriirka labada dhinac uu ahaa mid xasillooni darro iyo is-afgaranwaa ka muuqday. Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dib u bilaabo wadashaqeyn buuxda oo dhex marta Jubbaland iyo dowladda dhexe, taas oo muhiim u ah amniga iyo horumarka guud ee dalka.
Faallo: Xasan Iyo Kismaayo – Soo Laabashada Siyaasadeed
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inuu si xun ula macaamilay maamulka Jubbaland intii uu xilka hayay. Hase yeeshee, socdaalkan cusub wuxuu muujinayaa in Madaxweyne Xasan uu ka soo laabtay khaladkii hore ee siyaasadeed, islamarkaana uu diyaar u yahay bog cusub oo wada-shaqeyn ah.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa marwalba hadal jeedintiisu ahayd in Jubbaland ay diyaar u tahay wada-hadal iyo iskaashi dhab ah, isagoo ku booriyay dowladda federaalka in ay diiradda saarto midnimada iyo nabadda dalka.
Wixii Xiga
Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay yeelan doonaan kulamo gaar ah oo ku saabsan arrimaha amniga, maalgashiga iyo doorashooyinka soo socda. Waxaa sidoo kale la filayaa in safarkaasi uu horseedo kulamo heer qaran ah oo lagu xoojinayo xiriirka dowlad-goboleedyada kale.
HornCurrent ayaa si dhow ula socon doonta wixii faahfaahin ah ee kasoo baxa kulanka labada madaxweyne.

