November 10, 2025
Africa News Somali

Jubaland iyo Puntland Hoggaamiyeyaashooda oo Kulan Miro-dhal ah ku yeeshay Nairobi

Nairobi (HornCurrent) – Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan miro-dhal ah ku yeeshay magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

Kulankan ayaa lagu qabtay madasha Samatabixinta Soomaaliya, waxaana hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay la yeesheen wada-hadallo muhiim ah siyaasiyiin magac dheer ku leh siyaasadda dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in lagu helo xal waara oo mideeya dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, iyadoo ay jirto baahi weyn oo loo qabo wada-tashi iyo isu-tanaasul siyaasadeed.

Kulankan ayaa loo arkaa mid calaamad u noqon kara dadaallo cusub oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, xilli dalku uu wajahayo caqabado badan oo dhanka amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *