November 10, 2025
Africa News Somali

Jubaland iyo Dowladda Federaalka: Halkee ayuu ka Xirmay Xalka Siyaasadeed?

Horncurrent – Moqdisho

Kadib baaritaan qoto dheer iyo indha-indhayn siyaasadeed oo ay sameysay Horncurrent, waxa muuqata in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Jubaland uu salka ku hayo kalsooni darro, ballan-qaadyo jabay, iyo cadaadis siyaasadeed oo muddo socda.

Jubaland oo door muuqda ka qaadatay amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa maanta isu aragta in aan la siinin qaddarkeedii siyaasadeed iyo dhaqaale. Waxaana muuqata in qodobada ay Jubaland soo jeedisay ay yihiin dariiq keliya oo lagu xaqiijin karo xasillooni iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed.

Qodobada Jubaland ku adkaysanayso waxaa ka mid ah:

  • In Dowladda Federaalka ay aqoonsato doorashadii dhawaan lagu doortay Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam (Sayid Axmed).
  • In Xasan Sheekh ka noqdo wax-ka-beddelkii dastuurka ee muranka dhaliyay.
  • In doorashada 2026 lagu qabto waqtigeedii, iyadoo loo maro habkii hore ee dadban.
  • In xilka laga qaado Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo loo arko inuu abuuray kala qaybsanaan siyaasadeed.
  • In dhaqaalaha mashaariicda Jubaland ee la hakiyay si degdeg ah loo sii daayo.
  • In magdhow loo bixiyo ciidankii Jubaland ee ku dhintay dagaalladii Raas-Cambooni iyo Gedo.
  • In heshiis dhab ah lala gaaro Puntland, si loo mideeyo mowqifka dowlad-goboleedyada.
  • In mucaaradka Madasha Samatabixinta lala fadhiisto iyadoo Axmed Madoobe loo aqoonsanayo duq iyo dhexdhexaadiye.
  • In dowlad-goboleedyada kale loo fasaxo inay qabtaan doorashooyinkoodii dadban.

Horncurrent waxay ku qiimeynaysaa in:

Jubaland aysan ku jirin dagaal siyaasadeed oo dan gaar ah, balse ay difaaceyso xaqeeda iyo qaab-dhismeedka federaalka ee lagu heshiiyay. Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam (Sayid Axmed) ayaa noqday codka ugu xooggan ee u dooda ilaalinta dastuurka, sinnaanta dowlad-goboleedyada, iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka.

Haddii Xasan Sheekh uusan qaadin tallaabooyin geesinimo leh oo uu ku aqbalo qodobadan, waxaa sii fogaan doona khilaafka, taas oo halis ku noqon karta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Laakiin haddii uu tanaasul sameeyo, waxa ay noqon kartaa fursad uu ku galo taariikhda sida madaxweyne mideeyay dalkiisa, halkii uu noqon lahaa mid sii kala fogeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *