HornCurrent – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyey tacaddiga iyo jirdilka loo geystay dadka waayeelka ah ee lagu barakiciyey Suuqa Siinay, isagoo ku tilmaamay fal dhaawacaya kalsoonida shacabka ee dowladnimada.
Farmaajo ayaa sheegay in muuqaallada laga duubay waayeel Soomaaliyeed oo si xun loo garaacayo ay yihiin “boog madow oo aan harayn iyo dulmi weyn” oo ku dhacay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku eedeeyey ciidamada ammaanka in falalkaas ay horseedi karaan cawaaqib xumo ballaaran.
“Waxaan cambaaraynayaa tacaddiga loo geystay aabahaas waayeelka ah oo horey looga barakiciyey dhulkiisii, waxaana digniin adag u dirayaa ciidamada iyo saraakiisha ku lug leh falalkan,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gurmad iyo garab istaag muwaadiniinta nugul ee la barakiciyey, isaga oo sidoo kale uga digay xukuumadda iyo hay’adaha amniga ku xadgudubka xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta oo uu ku tilmaamay aasaaska dastuurka dalka.

