September 22, 2025
Africa News Somali

Fashilka Waxbarasho ee DDS: Halista Soo Noqnoqota

Jigjiga – Horn Current News

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxa ka jiray hoos u dhac ballaaran oo dhinaca waxbarashada ah. Tirooyinka rasmiga ah ayaa muujinaya in sannad kasta ay imtixaanka fasalka 12aad u fariistaan tobannaan kun oo arday, balse heerka guusha uu ka hooseeyo xitaa 3%. Celcelis ahaan, oo la eegayo saddexda sano ee ugu dambeeyay, kaliya 1% ilaa 2.7% ayaa kasoo gudbay imtixaanka.

Khubarada waxbarashada iyo waalidiinta ayaa sheegaya in fashilka joogtada ahi uu ka dhashay nidaam maamulka deegaanka oo aan si dhab ah ugu heelan horumarinta waxbarashada. Waxaa si gaar ah loo eedeeyay maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), iyadoo lagu tilmaamay maamul ay ka dhex muuqdaan musuq-maasuq, shaqo-xumo iyo masuuliyad la’aan.

Waxa kale oo lagu dhaliilay in maamulka deegaanka aanu dejin wax qorshe istaraatiiji ah oo wax ku ool ah oo lagu xallinayo caqabadaha waxbarasho, sida macallimiin tayo leh oo yaraaday, manhaj la’aan la jaanqaadi kara heer qaran iyo kaabayaal waxbarasho oo liita.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan mustaqbalka jiilka soo koraya ee deegaanka Soomaalida. Dadka deegaanka ayaa ku baaqaya in wax laga beddelo hab-maamulka waxbarashada iyo in la sameeyo isla-xisaabtan dhab ah si loo badbaadiyo nidaamka waxbarasho ee sii burburaaya.

Horn Current News ayaa sii wadaya kormeerka xaaladdan, iyadoo la socon doonta tallaabooyinka lagu xallin karo caqabadaha waxbarasho ee deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *