August 26, 2025
Africa Opinions Somali

Mustafe Cagjar iyo Siyaasadda Gumaystaha: Qaybi oo Xukun.

Mid ka mid ah xeeladihii ugu qadiimsanaa ee boqortooyooyinkii hore iyo gumaystayaashii reer Yurub ku joogteeyeen awooddooda ayaa ahayd siyaasadda “Divide and Rule” Qaybi oo Xukun. Bulsho kasta oo la rabay in la xukumo waxaa lagu dhex abuurayay nacayb, shakiyo iyo is qabqabsi, si aysan weligood u helin fursad ay ku mideeyaan codkooda.

Haddaba, waxaa maanta muuqata in isla falsafaddaas uu si xeeldheer ugu dhaqmo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar). Inkastoo uu ku yimid xukunka isagoo ballanqaaday midnimo iyo isbeddel, haddana maanta siyaasaddiisa waxaa lagu yaqaanaa isku dhufasho bulsho iyo kala qaybin joogto ah.

Sidee ayuu u adeegsanayaa xeeladdan?

  • Awrku kacsi qabiil: Mustafe wuxuu si ula kac ah u taageeraa qabiilada qaar halka uu ka fogeeyo kuwa kale, isagoo dadka ka dhigaya inay isu arkaan cadaw, halkii ay isaga u arki lahaayeen hoggaamiye fashilmay.
  • Dhaqaale ku qaybin: Mashaariicda iyo shaqooyinka waxaa la siiyaa kuwa isaga udhaw, halka muwaadiniinta ayna isku aragtida ahyni ay ku jiraan go’doon dhaqaale.
  • Cadaadis iyo cabsigalin: Ciddii hadal ka sheegta ama dhaliisha xukuumada, waxa lagu calaamadeeyaa cadaw, waxaana la marsiiyaa xarig iyo cabsi gelin.

Isbarbardhig Taariikhi ah

Habkani ma aha wax cusub. Ingiriiska markii uu gumaysanayay Soomaalida, wuxuu qabaa’ilka u qaybiyay hub iyo abaal marino kala duwan. Qabiil walba wuxuu u tusay qabiilka kalee walaalkiisa inuu cadaw u yahay, halka cadawgii dhabta ahaa waa gumaystahii ee uu ka faa’iidaysanayay is qabqabsigoodaas.

Maanta, Mustafe wuxuu isla xeeladdaas ku dabaqayaa bulshada uu hoggaamiyo. Wuxuu dadka ku mashquuliyaa qabiil, nacayb iyo isqabqabsi aan dhamaanayn, Run ahaantii, waa hoggaamiye doonaya inuu ku dabaqo xeeladihii laga dhaxlay gumaystihii shalay.

Khasaaraha Bulshada

Shacabka Soomaalidu maanta waxay la ildaran yihiin kalsooni darro, kala fogaansho iyo horumar yacyacood ah. Dhaqaalahii waa curyaamay, xorriyaddii waa la cabudhiyay, jiilalka soo socda waxaa loo gudbinayaa bulsho dhaawacan oo lakala fogeeyay.

Ugudambayn Siyaasadda Mustafe Cagjar waa mid aan bulshada wax horumar ah u horseedayn. Waa siyaasaddii gumaystaha ee “Qaybi oo Xukun,” oo kaliya u adeegta inuu kursiga sii haysto. Taariikhda ayaa mar walba caddeyn doonta: hoggaamiyihii ku dhisnaa isku dhufashada iyo kala qaybinta, wuxuu bulshada uga tagayaa burbur iyo kala daadsanaan.

Bulshada Soomaaliyeed waxay mudan yihiin hoggaan mideeya, ma doonayaan mid u adeegsada kala qaybin ta bulshada hub uu ku sii joogo kursiga.

Qore: Mohamed Omar
Falanqeeye Siyaasadeed oo Geeska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *