
Kismaayo, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dib-u-dhis ballaaran oo lagu sameeyay Xarunta Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.
Mashruucan dib-u-dhiska ah ayaa lagu dayactiray una muuqaal casri ah loo beddelay Goobaha Adeegga Bulshada ee muhiimka u ah amniga iyo maamulka bulshada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo iyo Xarunta Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.
Dib-u-dhiska ayaa waxaa fulisay Dowladda Jubaland, iyadoo ujeedadu tahay kor u qaadista tayada adeegyada amni iyo maamulka shacabka ee gobolka, lana xoojiyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in mashruucani uu muujinayo sida ay Jubaland uga go’an tahay dhisidda hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, isla markaana ku shaqeeya nidaam iyo hufnaan.
“Horumarka aan maanta aragnay wuxuu tusaale u yahay sida aan ugu heelanahay dib u dhiska dalka, gaar ahaan laamaha amniga oo ah laf-dhabarta dowladnimada,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Jubaland, saraakiil boolis, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.
Waxaa la filayaa in xarumaha la dayactiray ay sare u qaadaan hawlgalka booliska iyo la-tacaalidda falalka amni darrada, iyagoo sidoo kale noqda goob lagu kobciyo xiriirka bulshada iyo booliska.
Dhamaad
Horcurrent.com – Warar Huban, Xog sugan