February 15, 2026
Africa News Somali

Jubaland: Ciidamada JISA oo burburiyay xeryo Khawaarij ah, in ka badan 60 dagaalyahan oo la dilay.

Kismaayo (Horncurrent) – Madaxweynaha Jubaland, Ahmed Islam Mohamed Madobe, ayaa warsaxaafadeed ku baahiyay bartiisa Facebook ku bogaadiyay Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), kadib howlgal ballaaran oo guul leh oo ay ka fuliyeen Howdka Fog ee Badda Madow.

Howlgalka oo socday afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Lagta Hola-Wajeer ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland, ciidamada JISA waxay burburiyeen xeryo ay Khawaarijtu ku lahaayeen halkaas, kuwaas oo ay u adeegsan jireen qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay uga duuli jireen deegaanno ka tirsan Jubaland iyo gudaha Kenya.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday keydadii qaraxyada, xarumihii saadka iyo isgaarsiinta, iyo keydadkii hubka ee Khawaarijta. Intii uu socday hawlgalka, waxaa la xaqiijiyay in la dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka ciidamada ay gacanta ku dhigeen qalab fara badan oo ay ku jireen miinooyin noocyo kala duwan ah, maadooyinka qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan, iyo agab kale oo muhiim u ahaa hawlgalladooda.

Sidoo kale, ciidamada JISA ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 100 miino oo kala duwan, kuwaas oo khatar weyn ku ahaa amniga shacabka. Xeryaha la burburiyay ayaa lagu eedeeyay in laga soo abaabulay weerarro ay ka mid ahayd weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe, halkaas oo sida lagu sheegay bayaanada amniga jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Dowladda Jubaland ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee garab istaagga u muujinaya dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyo doorkooda ku aaddan xoojinta amniga, xasiloonida, iyo nabadda Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *