
Muqdisho/Jubaland – Dowladda Jubaland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay si adag ugu cambaareyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si mas’uuliyad-darro ah u waddo wax ka beddelka Dastuurka KMG ah, kana tallaabsaneyso habraacyadii sharciyeed ee ku qeexnaa hannaanka wax ka beddelka Dastuurka.
Qoraalka Jubaland ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka socda ay khatar ku yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo Dastuurkii heshiiska ku ahaa ee ay horey ugu heshiiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Jubaland waxay sheegtay in wax ka beddel kasta oo Dastuur ah uu u baahan yahay wadatashi qaran, isla oggolaansho ballaaran, iyo u hoggaansamid buuxda oo habraacyada sharciyeed ah.
Warsaxaafadeedku wuxuu sidoo kale xusay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay golayaasha Baarlamaanka ay muujinayaan “xilkasnimo-darro weyn”, iyadoo lagu eedeeyay in xildhibaanno ka soo horjeeday go’aannada la xiriira wax ka beddelka Dastuurka ay la kulmeen jirdil, handadaad, iyo cabsi gelin la sheegay inay khatar gelisay noloshooda. Jubaland ayaa masuuliyadda arrintaas dusha ka saartay Madaxweynaha waqtigiisu gaba-gabada yahay, sida lagu sheegay bayaanka.
Dowladda Jubaland ayaa si cad u sheegtay in aan la aqbali doonin, isla markaana aan lagu khasbi karin deegaannada iyo shacabka Jubaland Dastuur “aan loo dhammayn” oo ay samaynayso, sida ay hadalka u dhigtay, “koox gaar ah”, kaas oo aan haysan kalsoonida xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Jubaland waxay ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in la ilaaliyo Dastuurka KMG ah, laguna xalliyo khilaafaadka jira wadahadal, sharciyad, iyo is-afgarad qaran, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka sii xumeeya.
— DHAMMAAD —
Xigasho: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Jubaland

