February 4, 2026
Africa News Somali

Fashilkii Siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo ka laabashadii Go’aanka Sharci-darrada ahaa.

Screenshot

Go’aamadii siyaasadeed ee lagu saleeyay sharciyo baalmarsan dastuurka, kuwaas oo si toos ah loola beegsaday Jubaland iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ugu dambayn ku dhammaaday fashil buuxa. Tallaabooyinkaas oo lagu muujiyay cadaadis siyaasadeed iyo faragelin toos ah, ma aysan gaadhin natiijadii laga lahaa, balse waxay bannaanka soo dhigeen daciifnimada jihaynta siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Si cad oo aan mugdi ku jirin, Dowladda Xasan Sheekh ayaa dib uga laabatay warqaddii lagu shaaciyay go’aan maxkamadeed oo lagu doonayay in lagu soo qabto Madaxweynaha Jubaland. Dowladda Federaalka waxay tallaabadaas u sababaysay “danta guud,” hase yeeshee xaqiiqdu waxay muujinaysaa in go’aankaasi uun noqday mid aan sii socon karin, sababo la xiriira cadaadis siyaasadeed, sharciyad darro iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Jubaland.

Xaqiiqadu waxay tahay in loollankaasi lagu kala adkaaday. Axmed Madoobe waa hoggaamiye shacab oo haysta awood siyaasadeed iyo sharciyad ku dhisan doorasho iyo taageero bulsho. Waa siyaasi aqoon u leh waajibaadkiisa, kana soo hooyay guulo la taaban karo muddadii uu xilka hayay.

Jubaland, marka la eego xaqiiqooyinka dhulka yaalla, waa dowlad-goboleedka kaliya ee si dhab ah ula dagaallamay argagixisada isla markaana ka gaaray guulo muuqda. Dagaalladii lagu jabiyay kooxaha argagixisada ayaa gaadhay heer taariikhi ah, waxaana guulahaas ugu dambeeyay hawlgalkii ka dhacay Kudha, halkaas oo lagu dilay in ka badan 250 argagixiso. Tani waxay noqotay guushii ugu weynayd ee laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab tobannaan sano ee la soo dhaafay.

Guushan ma ahayn mid gudaha ku koobnaatay, balse caalamka ayaa aqoonsaday, taasoo noqotay dharbaaxadii ugu dambaysay ee burburisay dhufayskii siyaasadeed ee Villa Soomaaliya, kana saartay dhalanteedkii lagu doonayay in Jubaland lagu wiiqo laguna burburiyo.

Maanta, Muqdisho waxaa taal gogol siyaasadeed oo cusub, mid ay wajahayaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya. Waxaa la filayaa in ay is hor-fadhiistaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka muuqato daal siyaasadeed iyo hoggaamiyeyaal mustaqbal leh oo dhiirran, kuwaas oo wata guulo waaweyn. Waxaa ka mid ah Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isna guul weyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Natiijada laga sugayo marxaladdan siyaasadeed waa mid cad: in Xasan Sheekh uu aqbalo xaqiiqada jirta, isla markaana dalka loo jihaysto doorasho loo dhan yahay oo sal u noqota xasillooni siyaasadeed iyo mustaqbal dowladnimo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Falanqayn Saxaafadeed Shabakada Horncurrent.com

Horncurrent, waxay sidhaw ulasocon doonta, qandhadan siyaasadeed iyo Wixii kasoo kordha Halkan Kalasoco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *