November 30, 2025
Africa Opinions

Miisaanka Xilka: Sida Gobolka Soomaalidu Loogu Hoggaamin Karo Sharaf iyo Qiyam

Maalmo ka hor ayaan daawaday muuqaal kooban oo uu Madaxweyne George W. Bush ka jeedinayay aaska qaran ee saaxiibkii iyo ku-xigeenkiisii Dick Cheney. Waxa i taabtay ma ahayn xafladda nidaamsan ama muuqaalada baroordiiqda ee madasha ka dhacay, balse waa miisaanka culus ee ku dheehnayd hadalka Bush. Codkiisa waxaa ka muuqday waayo-aragnimo, xusuus, iyo qaddarin qoto dheer. Waxay ii xasuusisay in hoggaanku aanu ku koobnayn hadallo qurxoon, balse uu yahay dabeecadda iyo akhlaaqda ka dambeeya kursiga. Ma aha runnimada eray kasta ee afka ka baxa waxa ugu muhiimsan, balse waa xasuusta ay inoo reebayaan ee ku saabsan sida hoggaanka loogu dheeho sharaf, edeb, iyo degganaan.

Afar erey oo uu Bush adeegsaday ayaa maalmo iga dhex guuxayay. Diyaargarow. Garasho bisil. Jid-toosnaan. Daacadnimo. Afartaas eray ayaa igu kalifay inaan qoro qoraalkan. Ma aha qoraal lagu beegsanayo kuwa xilka haya ama kuwa hamiga siyaasadeed leh, balse waa wax ku biirin aqooneed oo si daacad ah loogu talagalay maskax kasta oo ka dheehan karta hal ama laba fikradood oo wax ku ool ah.

Diyaargarowgu waa tiirka koowaad ee hoggaaminta wanaagsan. Dick Cheney wuxuu caan ku ahaa inuu kulamada yimaado isaga oo si buuxda u fahmay arrinta, u diyaarsan, una qorsheysan. Diyaargarowgu waa nidaam uu qofku isku tababaro; ma aha hadiyad dabiici ah. Gobolka Soomaalidu waa deegaan ay isku biirsadaan abaaro, amni-xumo, saboolnimo, iyo isbeddello siyaasadeed. Sidaa darteed, hoggaan diyaarsan waa lama huraan. Hoggaanka ka hortaga mushkiladaha halkii uu ka sugi lahaa inay qarxaan ayaa awood u leh inuu qaabeeyo mustaqbal.

Garasho bisil waa hage aamusnaan ku dhisan. Waa awoodda lagu go’aan qaato iyadoo laga fogaanayo degdeg, cabsi, ama dano gaar ah. Gobolka Soomaalidu wuxuu soo maray waayo adag oo u baahan hoggaan fahmi kara cawaaqibka go’aanka maanta la qaato. Hoggaanka leh garasho bisil wuxuu leeyahay dulqaad, faham, iyo ku-qanacsanaan uu ku dhagaysto ka hor intuusan go’aansan. Garashadu waa miraha waayo-aragnimada iyo qummanaanta.

Jid-toosnaantu waa akhlaaqda ugu adkaysiga badan ee hoggaanka lagu hoggaamiyo. Waxay ka dhigan tahay in loo istaago runta, xitaa marka beentu u sahlanaan lahayd. Waxay ka dhigan tahay in la ilaaliyo mabaadi’da, xitaa marka cadaadis jiro. Gobolka Soomaalidu wuxuu leeyahay taariikh ku samaysmay eex, kalsooni darro, iyo caqabado siyaasadeed. Sidaa darteed, jid-toosnaantu waa tiir lagama maarmaan u ah in dib loo dhiso kalsoonida shacabka. Waa waxa ka dhiga awood maamul mid sharciyad leh.

Daacadnimadu, sida Bush u tilmaamay, ma ahayn daacadnimo indho la’ oo qof loo hayo. Waxay ahayd daacadnimo shaqo, daacadnimo xil, iyo daacadnimo qarannimo. Daacadnimada hoggaamintu waa inay ahaataa mid u janjeerta dadka, hay’adaha, caddaaladda, iyo mustaqbalka, ee aan u leexan qof ama koox gaar ah. Marka daacadnimadu noqoto mid shaqsiyeed, dowladnimadu way jilcaysaa. Hoggaanku wuxuu noqdaa mid ku tiirsan shalayda halkii uu ka tiirsanaan lahaa berrito. Gobolka Soomaalidu wuxuu u baahan yahay daacadnimo ku salaysan danta guud.

Markaan milicsaday afarta qiyam, waxaan si dabiici ah ugu soo noqday habka hoggaamineed ee maanta gobolka ka jira. Badanaa hoggaanka waxaa ku hareeraysan dad loo xusho qaraabo ahaan, ag-joogsi ahaan, ama saaxiibtinimo siyaasadeed, halkii laga dooran lahaa karti, aqoon, iyo hufnaan. Mana’aha wax maamulkan uu bilaabay balse waa soo jireen. Badanaa waxaa la maqlaa oraahyo ah inaynu hal doon ku wada jirno oo inaynu wada sii jirno. Falsafaddu sidaas kama dhaliso hay’ado adag ama kalsooni dadweyne. Waxay dhalisaa hoggaan isku tiirsan oo nugul marka xaaladdu is beddesho.

Gobolka Soomaalidu wuxuu mudan yahay hoggaan lagu soo xulo qiyamka ugu sarreeya. Wuxuu u baahan yahay hoggaan diyaarsan, garasho leh, daacad ah, oo jid-toosan. Hoggaan ku wajaha dadka naxariis iyo sharaf. Hoggaan u arka xilku inuusan ahayn abaal-marin, balse uu yahay masuuliyad culus oo sharaf iyo ixtiraam lagu qaado. Sidaa daraadeed, gobolka waxaa loogu hoggaamin karaa sharaf iyo qiyam marka qiyamkan la xambaarto oo la dhaqangeliyo.

Muuqaalka Bush ee aaska Cheney wuxuu na xasuusinayaa in hoggaanku aanu ku koobnayn hadalka, balse uu ku dhisan yahay qiyamka qofku xambaarsan yahay. Xilku ma aha wax lugu raaxaysto. Xilku waa culays loo qaado sharaf, ad-adayg iyo qadarin. Culayskaas marka si sharaf leh loo qaado, wuxuu noqdaa dhaxal.

Haddii Gobolka Soomaalidu doonayo mustaqbal sharaf leh, ammaan ah, oo rajo leh, qiyamkan waa inuu noqdaa hagaha. Diyaargarowgu waa hillaaca. Garashadu waa hagaha. Jid-toosnaantu waa tiirka caddaaladda. Daacadnimadu waa xadhigga mideeya bulshada. Naxariistu waa ruuxda hoggaanka.

Hoggaanku ma aha waxa aan ku dhawaaqno. Hoggaanku waa waxa aan xaqiijino fulintiisa xataa hadii dhib shaqsiyeed loomaro. Ma aha raaxada aan rabno. Waa culayska aan u qalanno inaan qaadno. Marka si sharaf leh loo qaado, wuxuu noqdaa dhaxal aan lumin.

Waa Muxaadaro aan is iri amay ka faa’ideystaan kuwa xilka haya ama kuwa doonaya in ay badalaan Bari.

✍️proff.Mohamud Ahmed cagawayne

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *