Muddooyinkii u dambeeyay, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar, ayaa si isdaba joog ah u sheegay in deegaanka uu xaq u leeyahay 50% dakhliga shidaalka ee laga soo saaro dhulka Soomaalida. Hadalkan, oo si weyn looga faafiyay warbaahinta deegaanka, ayaa loo soo bandhigay sidii guul siyaasadeed iyo sharci ah oo uu deegaanku gaaray. Laakiin marka la eego xeerarka federaalka Itoobiya iyo nidaamka sharci dejinta ee dalka, sheegashadani waa mid aan wax sal iyo raad sharci ah toona lahayn, balse ah marin-habaab siyaasadeed oo lagu khiyaamayo shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka.
- Ma jiro sharci la ansixiyay oo qeexaya 50/25/25
Xaqiiqda dhabta ahi waa in nidaamka qaybsiga dakhliga shidaalka ee loo yaqaan “50/25/25” uuna weli noqon xeer ansax ah. Arrintaasi waxay ku jirtaa heer hindise sharciyeed (draft proposal) oo ay soo jeediyeen wasaarado iyo guddiyo farsamo, balse lama ansixin, mana ahan xeer ka mid ah Proclamations ama Regulations uu Golaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya (House of Peoples’ Representatives) meel mariyay.
Qodobka 98-aad ee Dastuurka Federaalka Itoobiya wuxuu sheegaya in kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta ay yihiin hanti qaran oo ay wada leeyihiin dawlad federaal ah iyo dawlad-deegaanadu. Si kastaba ha ahaatee, dastuurku wuxuu farayaa in xeer gaar ah la dejiyo si loo qeexo sida dakhligaas loo qaybsanayo, xeerkaasna illaa maanta lama meel marin.
Waxaa hadda lagu dhaqmaa nidaam ku meelgaadh ah oo ku salaysan heshiisyo farsamo oo dawladdu dhexe iyo dawlad-deegaanadu ka wada hadlaan, balse aan sharci rasmi ah noqonin.
- Proclamation No. 1250/2021 iyo nidaamka qaybsiga dakhliga wadaagga ah
Sharciga Proclamation No. 1250/2021 ee lagu magacaabo Federal Subsidy and Joint Revenue System Proclamation, ayaa qeexaya nidaamka guud ee “Shared Revenue and Fiscal Equalization”. Si kastaba ha ahaatee, xeerkaas kuma jiro wax tilmaamaya in 50% dakhliga shidaalka la siiyo hal deegaan.
Sidaas darteed, hadalka Madaxwaynaha deegaanka ee ah “waxaan helnay 50% shidaalka” waa mid ka hor imanaya xeerarka dalka, waana sheegasho been abuur ah oo aan wax sal sharci ah lahayn.
- Heshiisyada shidaalka lama waafajin dastuurka
Heshiisyada ay shirkadaha shisheeye la galaan dawladda federaalka (sida Production Sharing Agreements) waxaa saxeexa Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Federaalka, iyadoo dawlad-deegaanadu ay leeyihiin kaalin la-talin iyo qayb bulsho (community benefit share) oo aad u hooseysa.
Marka madaxda deegaanka ay ku dhawaaqaan in 50% shidaalka la siiyay deegaanka, waxay si toos ah u khaldayaan shacabka, iyagoo sharci aan jirin u beddelaya war rasmi ah.
- Khaladaadka siyaasadeed iyo marin-habaabinta shacabka
Sheegashada Mustafe Cagjar ee ku saabsan “50% shidaalka” waa xeelad siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu muujiyo in xukuumaddiisu gaadhay guul taariikhi ah, halka dhabtu ay tahay in xeerka qaybsiga shidaalka wali yahay mid aan la meel marin.
Tani waxay la mid tahay in hoggaamiye uu shacabka u sheego “waxaan helnay guul aan wali qornayn” been cad oo lagu dhisayo sumcad siyaasadeed, balse lagu burburinayo kalsoonida shacabka iyo daahfurnaanta dowladnimo.
- Su’aasha muhiimka ah
Haddii aysan jirin xeer rasmi ah oo ay ansixiyeen labada gole ee federaalka, xaggee ayuu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka keenay 50%-ka uu sheegayo?
Shacabka deegaanka xaq bay u leeyihiin inay ogaadaan runta in weli aanu jirin sharci qeexaya saamiga 50/25/25 ee lagu dhaqayo Itoobiya, isla markaana sheegashadaasi tahay been siyaasadaysan oo lagu dhisayo sawir been ah oo guul ah.
Ugudanbayn
Beenta siyaasadeed ee laga sameeyo sharci aan jirin waxay dhaawacdaa kalsoonida shacabka, waxayna dhalisaa niyad jab iyo caro marka runta la ogaado.
Deegaanka Soomaalida wuxuu u baahan yahay hoggaan daacad ah oo runta u sheega shacabka, kana shaqeeya in xuquuqda deegaanka lagu kasbado xeerar rasmi ah iyo wada xaajood sharci ah ee aan lagu dhisin been iyo war aan jirin.
Mustafe Cagjar iyo xukuumaddiisu waxay maanta ku eedaysan yihiin inay si bareer ah shacabka u marin habaabiyeen, iyagoo ilaashanaya kursigooda siyaasadeed halkii ay sharci dhab ah u raadin lahaayeen saamiga deegaanka ku leeyahay kheyraadkiisa.
Tani waa been siyaasadeed oo lagu iibsado kalsooni shacabka, balse aan waxba ka jirin marka sharciga la eego.
Hadaba shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka waa in ay si adag u dalbadaan daahfurnaan iyo caddaalad dhab ah, oo lagu saleeyo sharci la ansixiyay, ee aan lagu maaweelinin xog been abuur ah oo kursi lagu ilaashanayo.
Mohamed omer.
Falanqeeye Siyaasada Geeska

