HornCurrent.News – Faallo
Todobo sano kahor, bulshada Soomaalida Itoobiya – gudaha iyo qurba-joogtaba – waxaa ceeb lagu tiri jiray in magac qabiil lagu shiro ama siyaasadda lagu saleeyo. Waxaa jiray dareen guud oo ka dhashay daal siyaasadeed iyo rabitaan ah in la dhaafo qabyaaladda oo loo gudbo dawladnimo casri ah.
Maanta se, xaaladdu way is beddeshay. Shirar beeleed, abaabul qabiil iyo odayaal magac qabiil wata ayaa si caadi ah uga muuqda siyaasadda deegaanka. Su’aashu waxay tahay: yaa keenay isbeddelkan?
Madaxweynuhu Qayb buu Ka Yahay
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa kaalin weyn ku lahaa soo nooleynta siyaasadda qabiilka. Inkasta oo uu hadal ahaan cambaareeyo qabyaaladda, haddana ficilladiisu waxay ka turjumayaan taageero buuxda oo uu siiyo. Waxaa la og yahay in uu maalin kasta madaxtooyada ku qaabilo odayaal ku magacaaban beelo, taas oo sharciyeysay hab beeleed siyaasadeed.
Waxaa intaas dheer in Mustafe Cagjar uu Nairobi ku qabtay in ka badan 17 shir oo ku saleysan qabiil, isaga oo markaas xilka haya. Arrintaasi waxay si cad u muujisay in madaxweynuhu uusan dhab ka ahayn dagaalka uu ku sheegay qabyaaladda.
Khatar ku ah Dawladnimada
Marka hoggaamiyuhu ku tiirsanaado qabiil, dawladnimada deegaanka waxay noqotaa mid daciif ah. Halkii laga dhisi lahaa nidaam sharci iyo caddaalad ku dhisan, waxaa la abuuraa kala qaybsanaan iyo kalsooni darro. Taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya labadaba waxay tusaale u yihiin sida qabyaaladdu u burburiso dowlado iyo bulshooyin.
Qofkii Xanuunka Keenay Dawo Ma Keeni Karo
Haddii maanta Mustafe dadka u sheego in qabyaaladdu tahay khatar, waa run. Laakiin dadku ma aamini karaan wacdigaas isaga oo weli ku dhaqmaya qabyaalad? Qofkii sababay xanuunka bulshada ku dhacay ma noqon karo daaweeye.
Gunaanad
Bulshada Soomaalida Itoobiya waxay lahayd fursad ay kaga gudbi karto qabyaaladda, balse hoggaamiyihii la filayay inuu horseedo isbeddel ayaa noqday kan dib ugu celiyay. Haddii Madaxweyne Mustafe Cagjar doonayo in taariikhda lagu xusuusto sidii hogaamiye dhisay, waa inuu ka dhaqaaqaa siyaasadda qabiilka oo uu ku beddelaa hogaamin ku dhisan cadaalad iyo midnimo.
Si kastaba ha ahaatee, todobada sano ee uu xilka hayay, Mustafe wuxuu ka mid noqday mushkiladda, halkii uu xal ka noqon lahaa.