September 22, 2025
Africa News Somali

Muqdisho: 1,200 Neef oo Geel ah oo Lagu Qalayo Munaasabadda Mawliidka.

Horncurrent News – Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo bandhigay 1,200 neef oo geel ah, kuwaas oo loo qorsheeyey in lagu qalo munaasabadda barakeysan ee soo dhowaysa – Mawliidka Nabigeenna Muxammad (NNKH).

Munaasabadda Mawliidka oo ah maalinta dhalashada Rasuulka (NNKH) ayaa si weyn loogu xusaa goobo badan oo caalamka ah, waxaana Soomaaliya ka jira dhaqamo iyo xaflado gaar ah oo culus.

Soomaalidu, gaar ahaan culimada ka tirsan Qaadiriyada iyo Ahlusunna wal Jamaaca, ayaa ah kuwa hormuud ka ah qaban-qaabada iyo xafladaha waaweyn ee Mawliidka, taas oo muujinaysa xushmadda iyo jacaylka ummadda Soomaaliyeed u hayaan Nabigeenna suubban.

Muuqaalka 1,200-ka neef ee geelka ah ayaa noqday mid taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba soo jiitay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ay noqoto xarunta ugu weyn ee xuska Mawliidka Barakeysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *