Waxaa diyaariyey: Horncurrent Media Investigations – Jigjiga
Hordhac
Mustafe Cagjar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa lagu xantaa inuu mar walba isticmaalo xeelad aanu ugu yeedhnay “mashquulinta siyaasadeed” — taas oo micnaheedu yahay in markasta oo cabasho iyo caro shacabka ka soo hor baxaan, uu abuuro dhacdooyin la macmiley si dareenka bulshada loogu leexiyo dhinac kale. Dhacdadii ugu dambeysay ee arrintan lagu arkay waa sheekada ku saabsan xabaal wadareed cusub oo laga helay deegaanka Dhagaxmadow.
Waxaa xaqiiqo ah in 50-kii sano ee u dambeeyay deegaanka Soomaalida ka dhaceen xasuuqyo aan loo meeldayin, dad badan oo shacab ahna lagu laayay goobo kala duwan oo ay ka mid tahay Dhagaxmadow iyo nawaaxigeeda, xilliyo kala duwan, sida aan ku helnay xog-raadinteena. Dad badan oo aan waraysanay kadib markii aan u qaanshaarnay inaan daboolka ka faydno qisada xabaasha la sheegay in lagu aasay 4 qof oo shalay laga helay Dhagaxmadow, ayaa waxay nagu hagtay xogo cusub oo aan hore loo maqal ama aan dhagaha bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba soo gaadhin. Waxaana idinla wadaagaynaa qaar ka mid ah codadka aan ka qornay dad isugu jira dhibanayaal, goob-joogayaal iyo khubaro cilmiyeed oo aan waraysi ka qaadnay.
Xogta Baaritaanka
Warbixinteenna waxay muujinaysaa in arrinta Dhagaxmadow si toos ah loogu diyaariyey Jigjiga, iyadoo abaabulkeeda ay hoggaaminayeen Gadhfeede iyo guddoomiyaha gobolka Dhagaxbuur, halka Mustafe Cagjar uu ahaa maskaxda siyaasadeed ee ka dambeysa qorshaha.
Mudadii toddobada sano ahayd ee uu xilka hayey Mustafe Cagjar, maamulka deegaanka waxaa lagu soo bandhigay warar badan oo la macmiley, dhacdooyin siyaasadaysan iyo buunbuunin warbaahineed oo aan sal iyo raad lahayn. Goobta Dhagaxmadow ayaa si ula kac ah loogu doortay dhacdadan kadib markii uu fashilmay qorshe hore oo lagu magacaabay “Gunagado Project”.
Khabiir siyaasadeed oo magaciisa qariyay sababo amni awgood ayaa yiri:
“Dhagaxmadow waa goob dagaal oo taariikh culus leh. Waxaa caadi ah in xerada ciidanka laga helo xabaal ay dad ku aasanyihiin, waayo askarta ciidanka meel kale oo ay ku aasaan ma jirin oo xeradooda mooyee. Ninkaas wuxuu caddeeyey dadka aan anigu ogahay ee ay xilligii uu dagaalku socday ciidanka qaranka ama Liyuu Booliska ka dileen inay ahaayeen 11 qof oo aan isku maalin lagu toogan. Balse waxa aan caadi ahayn waa in loo adeegsado dano siyaasadeed iyo kursi ilaalin.”
Taariikhda Dhagaxmadow
Dhagaxmadow waa goob ay marar badan ku dagaallameen ONLF iyo ciidanka Itoobiya. Weerarkii ugu weynaa ee ONLF halkaas ka fulisay wuxuu sababay dhimashada in ka badan 120 askari Itoobiyaan ah, halka 50 kalena la qabsaday. Muddo ku dhow sagaal bilood ayay magaalada gacanta ONLF ku jirtay.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, askarta dagaallada ku dhinta goobaha noocaas ah badanaa waxaa lagu aasi jiray isla halka dagaalka ka dhacay, iyadoo aan loo samayn nidaam aas rasmi ah.
Oday deegaanka ah oo la hadlay Horncurrent ayaa yiri:
“Waxaa jira xabaalo badan oo dhulka ku yaalla, laakiin maanta in loo soo saaro sidii arrin cusub waxay muujinaysaa in maamulka uu doonayo inuu shacabka marin habaabiyo. Ma aha wax cusub, waa siyaasad.”
Codadka Dhibbanayaasha iyo Goob-joogayaasha
• Oday Reer Dhagaxmadow ah:
“Aniga saddex wiil oo aan dhalay waa la dilay, waxaana dilay ciidanka Itoobiya ee militariga. Qabalaha Mundulka ayaa lagu dilay, waxaana la odhan jiray Xasan iyo Axmed. Xilligaa waxay ahayd 2006, Taariikhda Aduunka , waxaana madaxweyne ka ahaa Cabdi Jibriil, halka hoggaankuna waxaa ahaa Jamiil Muxumed Gaas.
Xilligii xukuumadda Mustafe dadka la diiwaangelinayay oo lagu sheegay dhibbanayaal ayaan imid. Markaan arrintii sheegay, waxaa layidhi: ‘Taariikhda beddel oo waxaad tiraahdaa waxaa dilay Liyuu Boolis, amarkana waxay ka heleen xukuumaddii hore.’
Waxaan ku idhi: Liyuu Boolis xilligaa ma joogin, wayna ila dagaallamayeen. Ragii meesha socday waxaa ka mid ahaa Ina Sheekh Aadan Dhagoole iyo Badal Xiis.
Adeer, meesha cadaalad lama raadinayo, waa siyaasad.”
• Goob-jooge Dhagaxmadow ah:
“Maanta waxaan joogay goobta laga soo saaray 4 ruux lafahooda ee laga soo saaray xerada ciidanka. Xeerada ciidanka ee Dhagaxmadow sideedaba waxay xabaal u ahayd ciidanka qaranka, askartana halkaas ayaa lagu aasi jiray. Xabaaluhu waxay ku jiraan agagaarka xerada ciidanka.
Dad badan oo shacab ah ayaa la dilay 27-kii sano ee Ihaadhigu joogay. Sidoo kale, dhinacyada xerada ciidanka waxaa ku aasan boqolaal askari militariga ah oo ONLF laysay 2007. Xilligaas waxaan joogay Dhagaxmadow; ONLF oo uu hoggaaminayay Alle ha u naxariistee Cabdi Cizi iyo nin la odhan jiray Xiin-Finiin ayaa subax hore weerar ku qaaday magaalada. Waxay qabsadeen magaalada Dhagaxmadow, dagaalkana waxay ku dileen 129 askari iyo guddoomiyihii degmada oo la odhan jiray Cabdulahi Qeyduub. Askartii dhimatay waxay ku aaseen isla xerada iyo agagaarkeeda, waana xaqiiqo ay cid kasta ogtahay.
Maanta markaan goobta tegay, dadka meesha joogay waxay ii sheegeen in arrintani qorshe ahayd ee aysan ahayn kadis. Waa dhacdo uu Mustafe Cagjar soo macmiley. Nin suuli qoday ayaa helay lafaha, kadibna islaan ayaa lagu dul wareystay si loo isu waafajiyo sheekada.
Run ahaantii wiilkeedii waa la dilay, laakiin maanta si siyaasadaysan ayaa loogu yeedhay oo lagu yiri: ‘Waan gartay dheh.’ Adiguba caqli ayaad leedahay; lafaha 10 sano ka hor la aasay sidee ayay islaantu ku garan kartaa inay wiilkeedii yihiin?
Qofku wax garanaya ma aha. Qolada maamulka gobolka ayaa hawsha soo abaabushay.
Anigu waxaan garanayaa wiilka ay sheeganayso; taariikhda dilka ma ahayn sida ay sheegtay. Wiilkaas waxaa dilay Tamaan Cabdi Dheeg oo ciidanka ka tirsanaa.
Aniga wiilkayga iyo islaantan hadleysa wiilkeeda isku maalin ayaa la dilay. Hadda ka hor ayaan mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada u sheegay si sax ah, waxaanan u caddeeyay xiliga iyo cidda dishay.
Maanta aniga qudhayda waxay igu yidhaahdeen: ‘Ka sheekee dhimashadii wiilkaaga oo waxaad tiraahdaa waan gartay.’ Laakiin waan diiday. Sax, dhimashadii wiilkayga waan ka hadli karaa, laakiin ma sheegi karo been cusub oo geerida labaad ii noqonaysa.
Waxaan ku idhi: lacagna uma baahni, beenna ma sheegi karo. Dabadeed way iga xanaaqeen wayna iga tageen.”
Oday kale oo 70 jir Dhibane ah:
“ Waxaan Ahay 70jir, 50tankii sano ee Udanbaysay Dad unbay itoobiya Nagadilaysay , Layntu Nooma kaladuwana Way kala badnaankartaa uun, Anigu waxaan Xasuusta ONLF iyo Ciidanka Militariga Itoobiya ayaa Isku laayay Korkanaga, Goob aan Kafogayn Labiga, Ciidankii Ayaa Dhamaantana Dad iyo Duunyaba Na Xero ooday, Jamiil Muxumed Gaas oo Gudoomiyaha Gobalka ah, oo Ciidan Wata ayaa Nooyimid, Wiilal 2 ah oo Geela dhaqayay oo Gooni Loomadhay ayay Ciidanku dhaheen Dagaalka Ayay Ragani Kujireen, Wuunala hadlay wuxuuna Yidhi Ragan Waa shiftadii Ciidanka Laysay , waxaan ku idhi Mid anaa Dhalay kuwa kalana Adeerbaan U’ahay Waligood Shufto Manaqonin, Wuu idharbaaxay wuxuuna Yidhi Hada laayay amar ayuu bixiyay hortayda, wiilashii intii dhankaas loo dareeriyay ayaa Baas lagufuray. Anaga Dhacdadii Ugu Darayd ee isoomarto Midaas ayay ahayd, Nimba Wax Hasheego. Ilaayo maanta Cadaalad ayaan U’oomanahay, Markaan Jamiil sheegana Xukuumadani Wayba Ihandadaa“.
Cabsida iyo Ujeeddada Siyaasadeed
Dhacdadan cusub ayaa soo baxday xilli odoyaasha deegaanka ku sugan Addis Ababa ay cabashooyin ka gudbinayeen maamulka Mustafe Cagjar. Waxaa muuqata in loo adeegsanayey sidii loo carqaladeyn lahaa kulamadaas, isla markaana bulshada ka dhiidhiday dulmiga Mustfe Cagjar uu ku hayo Si ay uga hortagan kacdoonka shacbka una damiyaan dadka ay dareenkaod ku jeheeyan munaafqnimda siyaasadeed ee uu Mustfe cagjar u isticmaalo Mudo-dheereysi waxay gadoodi soo macmileelan arinran.
Warbixiye Horncurrent oo Addis Ababa ku sugan wuxuu sheegay:
“Odoyaashu waxay dowladda federaalka u gudbinayeen cabashooyin ku saabsan dulmiga iyo maamul-xumada Mustafe. Isla waqtigaas ayaa Jigjiga lagu buunbuuniyey sheekada Dhagaxmadow si loo leexiyo dareenka bulshada.”
Falanqaynta Khubarada
Falanqeeyeyaasha siyaasadda waxay isku raaceen:
• Dhacdada Dhagaxmadow waa xeelad lagu mashquulinayo shacabka.
• Waxaa loo adeegsanayaa kala qaybinta bulshada iyo abuurista colaad qabaa’il.
• Waxaa lagu doonayaa in lagu dhaawaco sumcadda dadka mucaaradka ku ah maamulka.
. Ma’aha Cadaalad Raadin, Haday Runjirto xukuumaduna Dadka ka danqanayso Sharciga Ha horkeento Danbiile Yaasha dhamaantood.
Khabiir amni oo ka tirsan Jaamacadda Jigjiga wuxuu Horncurrent u sheegay:
Khabiir amni oo ka tirsan Jaamacadda Jigjiga wuxuu Horncurrent u sheegay:
“Dhagaxmadow waxaa loo adeegsaday sidii sanduuq siyaasadeed oo cusub. Mustafe wuxuu rabaa inuu waqti iibsado, laakiin bulshada maanta waa ka feejigan xeeladahaan.”
Wuxuuna intaas ku daray:
“Mustafe wuxuu wataa lafo qalalay oo waqti hore la aasay, laakiin odayaasha Addis Ababa waxay wataan lafo qoyan oo ay ku dul qoran yihiin magacyadooda iyo qabiilkooda, isla markaana ay raaciyeen caddayn maqal iyo muuqaal ah laga soo duubay bilow ilaa dhammaad.”
Gunaanad iyo Soo Koobid Warbixinta
Baaritaanka dheer ee Horncurrent ku sameeyey dhacdada Dhagaxmadow wuxuu soo bandhigayaa xaqiiqooyin is khilaafsan oo ka tarjumaya taariikh dheer oo deegaanka ka jirta iyo siyaasadda maanta ee maamulka Mustafe Cagjar. Waxaa hubaal ah in deegaanka Soomaalida 50-kii sano ee la soo dhaafay ay ka dhaceen xasuuqyo iyo dilal qorshaysan oo dad shacab ah lagu beegsaday, waxaana ka jira xabaalo badan oo ka dhashay dagaalladii dhacay.
Hase yeeshee, waxa su’aal weyn dhalisay waa sababta iyo waqtiga loo buunbuuniyey arrinta Dhagaxmadow, iyadoo loo adeegsaday sidii qalab siyaasadeed.
Waraysiyada odayaasha, dhibbanayaasha iyo goob-joogayaasha ayaa muujinaya in dhacdadani aysan ku cusbayn bulshada deegaanka, balse maamulka Mustafe uu u adeegsanayo sidii xeelad lagu marin habaabinayo dareenka shacabka, loona carqaladeynayo codadka mucaaradka iyo cabashooyinka Addis Ababa laga gudbiyey.
Khubarada siyaasadeed ayaa isku raacay in arrintani tahay xeelad siyaasadaysan oo lagu sii fogeynayo kala qaybsanaanta bulshada, laguna dhaawacayo sumcadda cid kasta oo ka hor timaadda maamulka Mustafe Cagjar. Dad badan ayaa maanta aaminsan in waxa ka socda Dhagaxmadow aysan ahayn raadinta cadaalad dhab ah, balse ay yihiin dano kursi iyo qabiil ku dhisan.
Sida muuqata, xeeladda Mustafe Cagjar ee “munaafaqnimada siyaasadeed” waxay gaadhay heer bulshadu si cad u fahantay. Waxaana soo baxaysa in halkii cadaalad iyo run loo raadin lahaa, la doortay marin habaabin iyo abuurista xiisado cusub. Mustafe wuxuu waqti ku iibsadaa arrimo la macmiley, laakiin bulshada deegaanka maanta waa mid ka baraarugsan oo si qotodheer u aragta.
👉 Horncurrent.com – kalasoco Xogta dhabta ah, si aan qarsoodi lahayn.