Ku:- Reysalwasaraha Dowladda Federaalka Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Ahmed Ali
Og: xarunta-dhexe ee Xisbiga Barwaaqo-PP
Ujeeddo: Codsi Sixitaanka Khaladaadka jira, Dib-u-heshiisiin, illaalinta Badqabka dadka iyo Deegaanka iyo Ka-hortagga Colaadaha ay sababeen maamul-xumada iyo Hogaaminta macmalka ah.
Bismillaah.
Anigoo ah Ugaas Ibraahim Ugaas kana mid ah isimada dhaqanka ee Dowlada Deegaanka Soomaalida (DDS), waxaan si daah-furan, masuuliyad leh, oo walaaltinimo ku dheehan tahay, halkan ka soo jeedineynaa in la soo afjaro lagana garaabo, cabashooyinla ku saleysan xaqiiqooyin dhab ah oo la xiriira xaaladaha nololeed, dhaqan-dhaqaale, hoggaan xumo, burbur bulsho, iyo colaad si joogto ah u sii fidaya tan iyo markii uu xilka qabtay Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).
Tusaale:-
Saameynta togan ee Hoggaanka Mustafe Cagjar iyo Muddo xileedkiisu wuxuu shacabka uhorseeday:
*Kala shaki iyo kala fogeyn bulshada,
Burbur nidaam dowladeed oo salka ku hayay is-aamin iyo wada noolaansho.
*Colaado si siyaasadaysan loo abaabulay oo dhiig ku daatay.
*Jebinta mabaadi’dii heshiis-dhexe, caddaalad, iyo sinnaanta maamulka.
Tusaalayaal Muhiim ah oo Muujinaya Xaaladda:
- Birqod: Nabadgelyadii deegaankaas waa la burburiyey, dad ehel iyo walaalo ahaa ayaa la kala dilay oo colaad dhexdooda laga abuuray.
- Wardheer: sidaan horay u ogayn dhibaatadii wardheer ka dhacdey, waxaa loo mareeyay si aan sax ahayn walina xal-waara looma helin, waxaana wali dawladdu hurinaysaa inay colaado kale ka abuurmaan oo dadka walaalaha ee wada degan kala irdhoobayn.
- Shilaabo, Caleen & Laaso-caano: waxaa ka jira colaado soo noqnoqday Islamarkaana dawladdu diiday in waxgaradku hawsha galaan oo ay isku soo dhaweeyaan dadkaas walaalaha ah.
- Yoocale & Dawacalay: dhibaatadii ka dhacdey Dawacaley oo dhiig badan ku daatay shacab iyo ciidanba waxaa sababtay hogaamin xumo iyo kutagrifal awoodeed ilaa hadana xal looma helin islamarkaana dadkii ka dambeeyay sharciga lama horkeenin.
- Dhanaan & Burqayar: shalay Magaalada Dhanaan waxaa ka dhacay Dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo laga baaqsan karay, waxaana ku dhimatay Hooyo Umul ahayd, iyadoo colaad la galiyay dadkii walaalaha ahaa ee halkaas wada-daganaa oo hubka isku uruursanaya.
Dhamaan dhibaatooyinkaas kor ku xusan waxay ahaayeen kuwo laga baaqsan karayay balse ay sababtay maamul-xumada, nin jeclaysiga , sadbursiga iyo af-duubashada waxiii dadka ka dhaxeeyay ee Masuuliyadda Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Saameynta ay ku yeelatay Shacabka Xukuumadda Madaxweyne Mustafe
Waxaa la burburiyay kalsoonidii shacabka iyo xeer-dhaqameedkii deegaanka.
Waxaa la iska indhatiray xaalada bani’aadanimo iyo kobcintii bulshada, iyadoo la dhaawacay maanka iyo Mustaqbalka ee bulshada deegaanka.
Codsiga Shacabka:
- In la furo baaris madax-bannaan oo caddeynaysa kaalinta Mustafe Cagjar ku lahaa hurinta colaadaha iyo burburka deegaanka.
- In la xisaabtamo dhammaan hay’adaha maamulka iyo sharci-dejinta ee ku fashilmay ilaalinta nabadda iyo danta guud.
- In la dhiso guddi qaran oo si dhab ah u hawlgala, uguna gurmada bulshada ay saameeyeen colaadaha, loogana shaqeeyo dib-u-heshiisiin dhab ah.
- In la joojiyo baxsidka masuuliyiinta fashilmay, lana xaqiijiyo in la horkeeno sharciga kahor inta aysan dalka ka bixin.
Gunaanad:
Maanta waa maalinta runta la sheego. Waa waqtigii xal iyo caddaalad la heli lahaa. Ma jirto bulsho horumar gaareysa iyadoo aan runta la isla qaban. Dhiigga daatay, burburka dhacay, iyo kala qoqobnaanta jira ma noqon karaan wax la iska illoobo ama la iska indho-tiro.
Waa in dib loo soo celiyaa walaaltinimadii. Waa in la helo caddaalad. Waa in la sameeyaa xisaabtan dhab ah.
W/Q:
Ugaas Ibraahim Ugaas Haashi Albab
(Xubin ka tirsan Isimada Samatabixinta Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida)
Taariikh: 27 Agoosto 2025
Goobta: Addis Ababa, Ethiopia.
✍️Ugaas Ibraahim Ugaas Abdi