August 3, 2025
Africa Ethiopia News Somali

Baaq Bulsho oo Ka Yimid Gobolka Afdheer

Cod Midaysan oo Ku Saleysan Dareenka Shacabka iyo DantaDeegaanka Soomaalida.

Annaga oo ah waxgaradka, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, iyo dhammaan shacab waynahaGobolka Afdheer, waxaan si qoto dheer u falanqeynay xaaladdasiyaasadeed ee ka jirta deegaanka Soomaalida. Ka dib markiiaan si mideysan u uruurinay dareenka bulshada iyotabashooyinka taagan, waxaan soo saarnay baaq rasmi ah oosalka ku haya rabitaanka shacabka iyo ilaalinta xuquuqdadastuuriga ah ee deegaanka sidaa darted waxaan sojedinnaynaaqodobadan soosocda.

1. Fashilka Hoggaamineed ee Xukuumadda Deegaanka

Waxaan si cad u muujineynaa in xukuumadda uu hoggaamiyoMadaxweyne Mustafe ay ku guuldareysatay hoggaamintadeegaanka Soomaalida. Wuxuuna horseeday kala-fogaanshobulsho, cabashooyin isa-soo taraya, iyo hoos u dhaca kalsoonidasiguud shacabka deegaanka, gaar ahaana Gobolka Afdheer ooaan si weyn loo tixgelin.

2. Baaq Wada-tashi

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qaybaha bulshada eedeegaanka—waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, ururradabulshada, haweenka iyo dhalinyarada—inaay si mideysan u furaan wada-tashi dhameystiran, si loo dhiso mustaqbalsiyaasadeed oo ku saleysan wada-jir, talo-wadaag, iyo maslaxadguud, Waana in la helo hoggaan ay bulshada kalsoonida kuqabto.

3. Codsi Wargelin ah oo Loo Dirayo Xisbiga Haya TaladaDalka hayo

Waxaan si rasmi ah ugu wargelinaynaa xisbiga haya talada dalkain uu si dhab ah u baaro doorka xukuumadda deegaanka ee kusaleysan kala fogeynta shacabka iyo abuurista kala-qaybsanaansiyaasadeed. Ficillada noocaas ah waxay halis gelinayaanwadajirka bulshada, waxana kashaqaynaya xaaladdan cakiranmadaxwaynaha deganka iyo xukuumadiisa.

4.  Diidmada Taageero Siyaasadeed

Anagoo ah shacabka waynaha iyo waxgaradka GobolkaAfdheer, waxaan si cad u shaacinaynaa inaan wax taageero ahnaaanan u haynin xukuumadda Madaxweyne Mustafe. Waxanasabab u’ah siyasada madxwaynaha ee kusalaysan kalfogayntabuslshada degaanka

5. Digniin Amni iyo Ilaalinta Xuquuqda Shacabka

Waxaan adkeyneynaa in arrimaha amniga iyo ilaalintaxuduudaha aysan noqon karin marmarsiinyo loogu gabadocabashada dadka deegaanka. Gobolka Afdheer wuxuu sitaariikhi ah uukaalin weyn uga qaatay nabadda iyo midnimadadalka, waxaana naga go’an in aan si buuxda u difaacnoxuquuqda shacabka iyo jiritaanka deegaanka.

Gabagabo

Baaqan wuxuu yahay cod bulsho oo mideysan, fariin degdeg ah oo ku saleysan xaqa, cadaaladda, iyo ilaalinta maslaxadda guudee deegaanka Soomaalida, isla markaana ay qaadaantallaabooyin degdeg ah oo horseedi kara dib-u-heshiisiin bulsho, hufnaan hoggaamineed, iyo nabad waarta.

Qaybaha Kala duwan iyo Hogaanka Dhaqanka Afdher, Cawlayahan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *