August 3, 2025
Africa Ethiopia News Somali

Xildhibaan Faysal Cumar Oo xadhig Iyo Jidh-dil La Iskugu Daray

Jigjiga (horncurrent.com ) – Xildhibaan Faysal Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ayaa la iskugu daray xadhig iyo jidh-dil xun oo maanta loogu geystay xarunta baarlamaanka dhaxdiisa.

Sida ay KaramaraTV u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Golaha Xildhibaannada DDS, Xil. Faysal ayaa markii uu saaka tegay baarlamaanka, waxa u yeedhay afhayeenka baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo u sheegay in uu dibedda uga baxo hoolka lagu shirayey, iyaga oo aan u sheegin sababta, hase yeeshee xildhibaanka ayaa ku adkaystay in aanay jirin dambi uu galay, sidoo kalena aanay jirin kulamo laga ganaaxay toona, sidaa daraadeedna aanu ka baxaynin fadhiga golaha.

Madaxweyne Mustafe iyo Marwo Ayaan ayaa dhawr jeer xildhibaanka u diray xildhibaanno kale, si loogu qanciyo inuu ka baxo Golaha, balse markii dambe waxa u tegay Eng. Maxamed Shaalle oo u sheegay in si gaar ah dibedda ugula hadlayo qolka ay ku nastaan xildhibaannadu, arrintana uu isagu dhamaynayo.

Sida ay xildhibaanno kala duwan oo la hadlay KaramaraTV xaqiijiyeen, markii uu Xildhibaan Faysal gaadhay albaabka, waxa qabtay ciidamo loosii diyaariyey oo si xun ugu garaacay goobta, waxaanay ku xidheen qol ku yaalla isla xarunta baarlamaanka.

KaramaraTV oo isku dayey in uu la xidhiidho Xildhibaan Faysal ayaanay u suurtogelin, hase yeeshee xildhibaannada nala soo xidhiidhay ayaa noo sheegay inay arkayeen Xil. Faysal oo madaxa dhiig-ka-da’ayo, dhulkana la jiid-jiidayo. Waxa ay xildhibaannadu intaa ku dareen, in 5tii galabnimo lasii daayey xildhibaanka oo ay xaaladdiisu liidato.
Xildhibaan Faysal ayaa lagu haystaa in uu dhowaan ka hadlay dilkii AHN Shaafici Cabdikariin, sidoo kalena uu soo bandhigay tabashooyinka ay qabaan shacabka uu metelo.

Waxa intaa dheer, in xildhibaan Faysal uu dhowaan kasoo noqday dhakhtar ku yaalla Addis Ababa oo uu in muddo ah ugu jiray dhaawacyo kasoo gaadhay jidh-dil uu u geystay Kornayl Nuur Toorri iyo ciidan uu wato oo badhtamaha magaalada Jigjiga si axmaqnimo leh ugu dilay xildhibaanka.

Dhinaca kale, xildhibaannada DDS ee kasoo horjeeda Degmooyinka iyo gobollada cusub ee la filayo in berri la ansixiyo, ayaa la kulmaya hanjabaad kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *