Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa furay Kal-fadhiga 1aad ee Golaha Fulinta DDS ee sannad-miisaaniyadeedka 2018 T.I., kaasoo lagu ansixiyay ajandayaal ay ka mid ahaayeen:
1.Warbixinta waxqabadka Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee S.M. 2017 T.I. (Hamle 2016 – Sane 2017 T.I.)
2.Bayaanka meel-marinta Miisaaniyadda DDS.
Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa ka badan 65% miisaaniyaddii la ansixiyay sannad-miisaaniyadeedkii tegay ee 2017 T.I.
Xafiisyada heer degaan waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 36.9 bilyan oo birr, halka miisaaniyadda hiigsiga yoolasha horumarka waara (Sustainable Development Goals) loo qoondeeyay 1.4 bilyan oo birr. Sidoo kale, degmooyinka, maamullada magaalooyinka iyo magaalooyinka dawladaha hoose ayaa loo ansixiyay 27.4 bilyan oo birr.
Miisaaniyadda deegaanka ayaa 50% noqon doonta mid ka timaadda dakhliga uu deegaanku soo saaro, halka 50% laga heli doono kabka khasnadda dhexe ee dawladda federaalka iyo deeqaha dibadda.
Arrintani waxay tilmaamaysaa in deegaanku ku tallaabsaday guulo waaweyn oo dhinaca kor-u-qaadidda dakhliga gudaha ah, kaasoo kasoo xeroonaya dhaqaalaha deegaanka toddobadii sano ee ugu dambaysay.
Source: SRTV Somali