August 3, 2025
Africa News Somali

WAR DEG-DEG AH: Dagaalo Khasaare Geystay oo ka Dhacay Magaalada Baladxaawo, Jubaland.

Baladxaawo, Jubaland – Dagaallo culus oo geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay magaalada Baladxaawo ee ku taalla gobolka Gedo, Jubaland, sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Horncurrent.com.

Dagaallada ayaa u dhexeeyay ciidamada dowlad-goboleedka Jubaland iyo maleeshiyaad la sheegay inay ka amar qaataan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee amniga Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jubaland ay wali gacanta ku hayaan magaalada Baladxaawo, halka Cabdirashiid Janan iyo maleeshiyaadkiisii laga riixay dhanka dibedda bari ee magaalada, kadib iska hor-imaad culus oo saacado badan socday.

Xogaha laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay haatan ku jiraan isu-nasasho iyo diyaar garow ciidan, iyadoo la filayo in dagaalku mar kale dib u qarxo saacadaha soo socda.

Bulshada ku nool magaalada Baladxaawo ayaa si muuqata u garab taagan ciidamada Jubaland, iyagoo ka dhiidhinaya waxa ay ku tilmaameen faragelin cad oo dawladda federaalka Soomaaliya ku hayso maamulkooda.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee sanadka 2025 gudihiisa ay ciidamada dowladda federaalka ku qaadaan Jubaland, iyadoo dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda gobolka ay sheegayaan in weerarradan aysan wax natiijo ah dhalin doonin, balse ay kusoo afjarmi doonaan sida kii hore ee Raas Kambooni.

Horncurrent.com ayaa si dhow ula socota xaaladda, waxayna dib idiin kala socodsiin doontaa wixii kusoo kordha dagaalka magaalada Baladxaawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *