August 3, 2025
Africa Ethiopia News Somali

Jigjiga: Gabar Yar oo Si Naxdin Leh Loo Dilay, Amniguna Faraha Kasii Baxaya

Jigjiga, DDS – Magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa markale wajahday dhacdo naxdin leh oo argagax iyo cabsi ku abuurtay bulshada deegaanka. Gabar yar oo dhallinyaro ahayd, laguna magacaabi jiray Nimco Maxamed, ayaa si arxan darro ah loogu dilay magaalada, kadib markii koox aan la garanayn ay afduubteen.

Wararka ay heshay Horncurrent.com ayaa sheegaya in gabadhan da’deedu tahay dhawr iyo toban sano jir, la waayay muddo kooban kadibna si murugo leh loogu helay madaxeeda oo laga jaray laguna tuuray waddo katirsan xaafadaha magaalada Jigjiga. Ilaa hadda, ma jirto cid loo qabtay falkaas foosha xun, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga deegaanka.

Dhacdadan ayaa si weyn u gilgishay bulshada magaalada, iyadoo si gaar ah loogu baraarugay amni-xumada isa soo taraysa ee Jigjiga ka jirta. Waxaana dadka deegaanka ku tilmaameen falkaasi inuu yahay mid muujinaya sida uu u liito amniga magaalada, isla markaana ay dowladda deegaanka u muuqato mid aan wax jawaab ah ka bixin karin dhacdooyinkaasi naxdinta leh.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in kooxo burcad ah oo u dhaqma sida maafiyo hubeysan ay magaalada ka dhisteen nidaam qarsoodi ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan dadka nugul – gaar ahaan hablaha yaryar iyo dad aan awood ciidan lahayn.

Horncurrent.com ayaa isku dayday inay xog dheeraad ah ka hesho booliska Dowlad Deegaanka, balse dadaalkaas wali miro kama dhalan. Waxaan shacabka la wadaagi doonaa faahfaahin dheeraad ah marka ay nagu soo dhacaan.

Falkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Jigjiga kusoo kordhayaan falalka amni darrada ah ee aan la xallin, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in ay magaalada ku sii faafaan falal kale oo la mid ah.

Horncurrent.com

Jigjiga, 23 Luulyo 2025

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *