August 3, 2025
Africa Opinions Politics Somali

Hussein Nuur Taariikh Samayso ( Make your own History). Hana ku masayrin kuwa Taariikhda Samaystay.

Dr. Mohamed Siraad Dolaal, wuxuu halganka qadiyadda shacabka deegaanka kaga jiraa BAAL DAHAB AH. Inta halgan ee uu soo galay xornimadda shacabka deegaankana waa mid cad oon mugdi kujirin. Halgankii soomali galbeed ee 1977 jamhaddii soomali galbeed markii uu Dr. Dolaal ka dagaalamayay buurtan karamardhaha xageed jirtay ?

Markii uu Dr. Dolaal uu kula dagaalamayay GORAY Mingistu haile’maryan oo ahaa madaxweynihii Ethiopia ee isticmaarkii dhargiga uuna ku dhaawacmay oo gacsntiisa midig ku beelay, mingustina dagaalkaas Goray ku dhaawacmay xageed jirtay ?

Markii Dr. Mohamed Siraad Dolaal uu 1994 Birqod cutubyo dhan oo TPLF ah intuu ugalay uu gamta ka dhigay ee uu bakhtigooddii banaanadda birqod waday xageed jirtay ?

Dr. Mohamed Siraad Dolaal muusan ahayn ninkii oogu horeeyay ee ONLF ahaa ee Tplf xabad kuriday ee kala hortagay Birqood.

Dr. Mohamed Siraad Dolaal muusan ahayn ninkii oogu horeeyay taariikhda Aduunka ee Afrikaan ah inta la ogyahay ee PhD holder kana soo baxay Leeds in Leeds university UK 1994. Ku shihiiday isaggoo cadawgiisii TPLF Bareen isagoo dhaawac ah oo caloosha kaga taala ku ridaya ku shiihiiday 2009 G.c.

Dhibaatadda kuhaysata adigoon taariikh lahayn yaad doonaysaa in aad samaysato taariikh aan jirin oo aad doonaysaa kuwii taariikhda lahaa aduunkana baal dahab ah oo halgan kaga jira in aad taarikhdooda burush xaar leh Marmariso oo aad wali ka sii masayr San tahay nin 16 sanno ka hor shihiiday oo aduunkaba ka tagay. Balse tariikhdiisu ay jiraysaa waligeed.

Ahmed Yassin waxad ku haysato wax kalana ma ahee waa maxaad taariikhdii halfan ee wanaagsanayd ee Dr. Mohamed Siraad Dolaal usoo qufaysaa oo aad shaca ka deegaanka oogu soo bandhigaysaa. Laakin waxaad ilawsan tahay in Ahmed Yasin uu ka dhashay qoys taariikh iyo sumcad ku leh bulshadda soomaaliyeed khaasatan dadka ku abtirsadda Absame oo uu yahay in reer Sheekh Qaasim ah oo sida dufciga ah ee aad u fikirto aan u fikiraynin sibalaadhan oo dareen wadaniyeed iyo ilbaxnimo ku dhisan tahay u fikiraya. Diyaarna aan u ahayn in uu xaqiro qofkasta oo halgankii deegaanka ka socday kaalinta uu ku lahaa. Dr. Mohamed Siraad Dolaal na uu yahay qofka oogu taariikh wanaagsan dhamaan cidkasta oo waligeed ONLF noqotay taariikhda ay leedahay oo laysku wada daray AUN Dr. Mohamed Siraad Dolaal taariikhdiisi halgan qofkaloo leh laheli mahayo mid nool iyo mid shihiidayba. Maxaa beenta layshugu sheegii.

Hussein Nuur make your own history. Hana ku masayriin rag aadan gaadhi karayn hadaad 100 sanno dambe sii noolato ee taariikh samayso. Cudurka aan dawada lahayn ee kansarka ahna wallee waad la dhiman aakhinaya munaafaqadaasa iyo xiqdiga kujira yuu Allah naarta kugu fogayn oo aad la cadab gali.

QORE: AHMED DEK

FARIINTA TAFATIRAHA WARAYSKA:

Aragtida Qoraalkan wuxuu Gooni uyahay Qoraaga Mana Matalo Mabaadiida Wargayska Horncurrent.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *