
Gudiga Hagida Mashaariicaha Yoolasha Horumarka Waara oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa yeeshay kulan lagu dardargelinayo mashaariicda hiigsiga yoolasha horumar waara.
Warbixinta oo uu soo jeediyey Wasiirka Xafiiska Waraabka DDS, Mudane Maxamed Faatax Maxamed ayaa diiradda lagu saaray:
• Dhageysiga warbixinta waxqabadka ee mashaariicda hiigsiga yoolasha horumar waara ee S.M. 2017 T.I.
• soo jeedinta qorshe-hawleedka sanduuqa yoolasha horumar waara (SDGs Fund) ee S.M. 2018 T.I.
• ka wada hadalka iyo ansixinta miisaaniyadda sanduuqa SDGs.
Ugu dambayn, gudigu wuxay si buuxda u ansixiyeen miisaaniyad dhan 1,397,200,000 (hal bilyan, saddex boqol iyo sagaashan iyo toddoba milyan, iyo laba boqol oo kun) oo Birr, taas oo loogu talagalay in lagu hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee hiigsiga horumar waara.
Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaallada lagu fulinayo mashaariicda hiigsiga yoolasha horumar waara, oo door muhiim ah ka qaata kor u qaadista kaabayaasha nololeed ee bulshada.
Xigasho