Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil Haruun
Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Sheekh Xussen Cali Jabuuti
Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi
Waxa mahad oo idil leh Ilaahay, Eebaha dadka baray wax ayan horey u aqoon – gaar ahaan culuumta casriga ah iyo horumarka technology-yada.
Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah waxaan si joogto ah uga akhristay culimada waaweyn ee Sheekh Mustafe Xaaji Dalmar iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Labadooduba waa culumo cilmigooda lagu najaxay oo lagu nastay, Ilaahna ha ka ajar siiyo hawsha ay ummadda u hayaan.
kadib madarasadii Qur-aanka ee Dhagaxbuur waxaan markale fursad u helay mudadii xabsiga, in aan Qur’aanka kariimka ka barto Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, oo isna ah sheekh khibrad iyo faham qoto dheer u leh Kitaabka Alle.
sidoo kale: waxan xusayaa
•Sheekh Xussen Cali Jabuuti
•Sheekh Muxumed Sheekh Cumar Dirir
•Sheekh Maxamuud Shibli
Iyo culimada kale — waxay dhammaantood ka mid ahaayeen macalimiintii iyo wehelkii xabsiga, Alle ha ka ajar siiyo.
Waxaa xabsiga nagu soo booqan jiray dad iyo culumo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin. Dhammaan dadkii wakhtigoodii iyo dhaqaalahoodii u huray si ay noo soo booqdaan — iyo kuwii ay duruufuhu u saamixi waayeen — wey mahadsan yihiin.
Eebe ha u naxariisto Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal, Sheekhii weynaa ee caqliga iyo cilmiga badnaa, iyo culimadii la socotay dhowrkii jeer ee uu xabsiga nagu soo booqday — dhammaantood wey mahadsan yihiin.
Waxaa si gaar ah u xusaya Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haruun , oo ah sheekh aad u cajiib ah, oo cilmigiisu badan yahay. Mar walba oo aan dhageysto tafsiirkiisa, gaar ahaan marka uu fasirayo aayadaha Qur’aanka, aad ayaan ugu raaxaysan jiray — si gaar ah marka uu sharxayo sababta ay aayaddu u soo dagtay, goobta, xilliga, iyo duruufaha la xiriira.
Waa sheekh uu Ilaahay u fududeeyey fahamka diinta Islaamka iyo culumta kale ee dunida maanta taala. Wuxuu si cilmiyeysan u adeegsadaa tusaalooyin la xiriira sayniska, siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka, ganacsiga, ilbaxnimada, iyo teknoolojiyadda casriga ah marka uu fasirayo Qur’aanka iyo cilmiga diinta. Isagoo isticmaalaya xigmad, caqli iyo mufakirnimo uu Ilaahay ku maneystay — runtii cilmigiisu wuxuu noo dhib yareeyey waqtigii xabsiga.
Dhammaan culimadan waxay na siiyeen farxad, naxariis, iyo degganaansho xilligii aan ku jirnay xabsiga — waana sababta aan u leeyahay: Ilaahay ha ka abaalmariyo Dadaalkooda.
Waxaa suurtagal ah in dadka qaar isweydiiyaan: sidee ayay ku dhacday in culumadani ay xabsiga macalimiin iyo wehel noogu noqdeen?
Jawaabtu waa: sababta aan qormadan ugu bilaabey, waxaa mahad leh Ilaahayga dadka baray waxayna horey u aqoonin, yacni cilmiga technology-yada.
Cilmigii, culuuntii, khibraddii iyo aqoontii Sheekh Mustafe Xaaji Dalmar, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, iyo Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo technology yada lagu fudeydiyey waxay kamid tahay deeqaha ilaahy inagu maneystay Dadkeena maanta dunida ku nool.
Ilaahay baa mahad leh.
Faalada Tifatiraha: Q/W Cabdi Maxamud Cumar Madaxwaynehii Hore Ee DDS. Nuxurka iyo Aragtida Qoraalku Waxag Gooni Utahay Qoraaga.