August 3, 2025
Ethiopia Somali

NACAS NACFI LEH!

Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya, waa mid kamid ah jabhadaha ugu cimriga dheer qawmiyadda Soomaalida. Hannaankeeda gobonnimo-doon waa lagala hor imaan karaa doodo kala geddisan. Hase ahaato e, in la isku dayo in la burburiyo ama la kala diro waa isku day moora-duugid ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Madaxda Dowladda Deegaanka ee maanta waxaa la gudboon inaysan taariikh xumadaas qeyb ka noqon.

Haddii lala xisaabtamayo ama la dhaliilayo ONLF, iyada oo is haysata oo midaysan gogosha wada hadalka hala soo fariisiyo. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), taariikhdiisa madaw waa dambe bey fahmi doonaan shacabku, haddeer se in yar unbaan ka dhahayaa.

DORRAAD: Sirdoonkii Tigreega iyo shaqaalahooda ayaa u adeegsaday in lagu dumiyo sumcadda Maamulkii Madaxweyne Farmaajo.

SHALAY: Qolo kale ayaa usoo adeegsatay si loogu dhaawaco olalaha doorashada Musharax Xasan Khayre ee maalmihii doorashadii madaxtinnimada ee 15/05/22.

MAANTA: Nasiib darro, mar saddexaad baa haddana loo adeegsanayaa in lagu burburiyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya. NACAS, NACFI LEH.

Faalada Tifatiraha: Qoraalkan Waxaa Qoray Fahad Yasiin Taliyihii Hore Sirdoonka Soomaaliya, Mana Aha Mid Websiteka Horncurrent.com, Aragtidiisa ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *