August 3, 2025
Africa Ethiopia Somali

Maamulka Fadhiidka ah ee Mustafe Cagjar iyo Qiimaynta Been-abuurka ah ee Xafiisyada:

Maamulka uu hoggaamiyo Mustafe Muxumed Omar (Cagjar) ayaa mar kale kusoo laabtay dhaqankii uu caadaystay – is-masax iyo is-qurxin been ah oo lagu magacaabo “Qiimaynta waxqabadka xafiisyada dowladda.” Balse xaqiiqdu waxay tahay: Qiimayntani maaha mid lagu ogaanayo waxqabad, balse waa hab loogu xalaalaynayo musuqii dhacay – si gaar ah lacagtii 41-ka bilyan ee miisaaniyadda sanadkii hore oo si qarsoodi ah dibadaha loogu diray.

Ilo xog ogaal ah oo HornCurrent la hadlay waxay xaqiijiyeen in qiimayntan ay tahay mid dhaliisha culus laga dul maro, halka la buunbuuninayo waxqabadyo yaryar, loogana gol leeyahay in shacabka lagu maaweeliyo, iyadoo dhabta laga leexsanayo.

Musuq Maaha, Waa Qiimayn! Mise Waa Tuhun Cad?

Dadka deegaanka si gaar ah u xasuusta safarradii dibadda ee masuuliyiinta sarsare sida Xuseen Qaasim iyo Maxamed Cagjar – kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku iibsadeen hoteello ku kacaya in ka badan $10 milyan oo doolar, ayaa hadda la leeyahay waa lays qiimeeyay, wax musuq ahna lama hayo.

Su’aashu waxay tahay: maxaa la qiimeeyay? Ma in lacagtii shacabka dibedda loo diray meel la marsiiyay, mise in qof walba ka aamusay?

Sida ilo-wareedyo muhiim ah sheegayaan, wasiirro badan ayaa cabsi gelin kala kulmay maamulka, si aysan sanadkan miisaaniyadda cusub wax su’aal ah uga keenin ama uga biyo-diidin, gaar ahaan kuwa musuqyada horay ugu caan baxay. Waxaa la sheegay in shaqsiyaad cusub loogu beddeli doono kuwii aan amarada musuq-maamuuska ka qaadan, gaar ahaan kuwa aan lacagaha si toos ah ugu shubin qasnadda gaarka ah ee Maxamed Cagjar.

Shirkado Qura, Qandaraasyo Dhan:

Xogaha baadhistu ay gacanta ku hayso waxay tilmaamayaan in dhammaan mashaariicda la qorsheeyay ee sanadkan (2018 EC) horey loogu diyaariyay shirkado gaar ah – kuwaas oo sida la sheegay saxiixyo rasmi ah ka haysta Maxamed Cagjar, loona aqoonsan yahay “Mulkiilaha Koobaad” ee maamulka deegaanka hoos taga.

Waxaa muuqata in mushaakilada iyo mashruucyadu yihiin dariiq toos ugu leexanaya jeebab gaar ah, iyadoo lagu danaysanayo magaca horumarineed ee shacabka DDS.

Gunaanad:

Qiimayntan aan xaqa sheegaynin waa dhagax kale oo lagu sii xoojiyo nidaamka musuqmaasuqa, laguna cabsi geliyo kuwa dhabta sheegi lahaa. Waa dhaqan sii joogtoobaya oo caddaalad-darradu ay salka u tahay. Su’aasha hadda taal waxay tahay: Yaa qiimeeya kuwa qiimeeya?

HornCurrent waxay sii wadaysaa baadhitaankan, waxaana qaybaha dambe lagu soo bandhigi doonaa magacyada shirkadaha, heshiisyada saxiixan iyo xogaha lala wadaagay warbaahinta.

Lasoco: Tooshka Caddaaladda | Qaybaha Dambe

Faalada Tifatiraha: Qormadan Waxay Gooni Utahay Qoraaga Mana Matasho Codka Horncurrent.com, Cidii Dhanka Dawlada FALCELIN Uhaysa Halasoo Xidhiidho, Editor.horncurrent@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *